13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Wadada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo qarka u saaran in ay xiranto

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 03, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qarka u saaran in ay xiranto kadib markii uu fatahaad soo bilaabay Webiga Shabeelle.

 

Darawallada Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxay sheegayaan in haddii aan fatahaadda ka bilaabatay Webiga Shabeelle aan wax laga qaban ay xirmi doonto Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, taasi ay saameyn ku yeelan doonto dadka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobollada la deriska ah.

 

Darawaliintan ayaa waxay ugu baaqeen Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe in uu wax ka qabto Fataahadda uu bilaabay Webiga Shabeelle, iyagoo caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaataan dadaal kasta oo lagu joojinayo fatahaaddaas.

 

Fatahaaddan oo ka bilaabatay halka lagu magacaabo Boodaale ayaa waxay haatan gaartay Deegaanka Qalimow iyo Deegaanno kale oo u dhow, iyadoo ay haddii ay sii socotana ay go’eyso Wadadaas.

 

Maamulkii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu sameyn jiray biyo xireenno kadib marka uu si aad ah u biyo keeno Webiga Shabeelle, inkastoo maamulkan cusub ay u tahay markii ugu horeysay ee uu goobjoog u ahaado fatahaad uu sameeynayo Webiga Shabeelle oo ka mid ah labada Webi ee uu leeyahay Dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Sanadkii hore ee 2006 ayuu Webiga Shabeelle si aad ah ugu fatahay deegaanno badan oo ka tirsan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, iyadoo fatahaaddaasna ay keentay in ay Dad badan ku go’doomaan guryihii ay deganaayeen oo ay dhinac kasta biyo ka soo galeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).