12.3 C
London
Monday, October 27, 2025

Khasaaraha Dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo isa soo taraya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 29, 2007(HOL): Waxaa isa soo taraya khasaare ka dhashay dagaal xooggan oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Dagaalkii xalay oo xooggiisa uu ka dhacay Saldhigga Degmada Hodan ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamayay.

 

Sidoo kalena, Dagaalkii xalay ayaa waxaa lagu gubay Saldhigga Degmada Hodan kadib markii Ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa ay kala wareegeen Kooxihii hubeysnaa ee soo weeraray, iyadoo sidoo kalena halkaas lagu gubay Gaari ay isticmaali jireen Ciidamada Booliska Saldhiggaas.

 

Kooxaha hubeysan ee la wareegay gacan ku heynta Saldhiggaas ayaa kadib markii ay cabaar heysteen Saldhiggaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis ku xirneyd isaga tegay, iyadoo kadibna ay ku noqdeen Ciidamadii laga ceyrsaday, kuwaasi oo saakay la arkayay iyagoo dhex jooga Saldhiggii oo gubtay.

 

Dadka degan nawaaxiga saldhiggaas ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay arkeen Meydadka askar ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay oo ruux gaarayay, kuwaasi oo aysan suurtagelin in xalay la qaado.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay weerarro lagu qaaday fariisimo dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana fariisimada kale ee la weeraray ka mid ahaa Shiirkole, Guul-wadayaasha iyo Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).