11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Nabaddoon Axmed Diiriye oo ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda in ay wada hadlaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 29, 2007(HOL): Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda in ay wada hadlaan.

 

Nabaddoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in haddii aaney dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaliya wada hadlin ay taasi sii kordhin doonto dhibaatada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

 

Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay maalintii sameeyaan howlgallo ay ku baacsanayaan Kooxaha ka soo horjeeda, halka Kooxaha ka soo horjeeda Dowaldda-na ay habeenkii dagaal ku miraan Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay Axmed Diiriye in aysan u dhaqmin sida Ciidamo Dowladeed oo kale, wuxuuna caddeeyay in ay dadka dhibaatooyin u geystaan, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii wadaan ay Dowladda dhibaato u keeni doonto. “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamadeeda Dadka ka joojiso, isla markaana ay ku baaqdo Dib u heshiisiin, Sida Dad badan oo Waxgarad ah qabaan dhibaatada waa dhamaaneysaa haddii Dowladda ay ku baaqdo Shir Dib u heshiisiin ah oo looga hadlo Khilaafaadyada Siyaasadeed”ayuu yiri Axmed Diiriye oo ku cel celiyay in ay Dowladda Federaalka joojiso barakicinta ay Ciidamadeeda ku hayaan Dad badan oo Muqdisho ku dhaqan.

 

Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa Odayaasha Beesha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay haatan diyaar u yihiin ay noqdaan qoortii labada garab u dhaxeysay, isla markaana ay dhexdhexaadiyaan Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda, inkastoo uu caddeeyay in ay marka hore lagama maarmaan tahay in ay Dalka ka baxaan Ciidamada Itoobiya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Axmed Diiriye Cali wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in haddii dhinacyada isku haya Soomaaliya ay wada fariistaan oo ay wada hadlaan iyadoo aaney Dalka Soomaaliya ku jirin Ciidamada Itoobiya ay xal wada gaari karaan, dhibaatada jirtana ay halkaas ku dhamaan doonto.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).