11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka codsatay Golaha Baarlamaanka in la sii daayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 29, 2007(HOL): Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya waxay uga codsatay in xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun loo eego qaab sharci ah, isla markaana Guddoomiyaha xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo.

 

Qoraalka ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow oo lala soo xiray ay si sharci darro ah ku xiran yihiin, isla markaana eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin.

 

Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in kadib markii ay la tashi la sameysay Hay’adda UNDP ay u soo baxday in uusan jirin wax dhaqaale ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare lunsaday, isla markaana eedeymahaas ay ahaayeen kuwo wax loogu dhimayay Dr. Yuusuf Cali Haaruun.

 

Qoraalka ay Xukuumadda Federaalka u dirtay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku xusan codsi ku saabsan in la soo daayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana la eryo Xeer Ilaaliyaha Guud C/llaahi Daahir Barre oo isagu soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare in lunsaday Lacag ay shaqaalaha Garsoorka Mushaar ahaan u siisay Hay’adda UNDP, taasi oo gaareysay 800,000US$ iyo weliba sidoo kale ku takri-fal awoodeed, isagoo si sharci darro ah ku sii daayay Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Baydhabo, kuwaasi oo ay ku jireen Rag gacan ku dhiiglayaal ah oo uu xitaa ku jiray nin loo heystay Dilkii Cabdalla Deerow Isaaq oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa muddo todobaad ka badan waxaa uu ku xiran yahay Xabsiga CID-da ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xarigiisana uu iska horkeenay Golayaasha Fulinta iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).