Sabti, September 29, 2007(HOL): Walaaca iyo shakiga laga qabo halka uu ku dambeeyay Nin dhalinyaro ah oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Beledweyne ayaa ah mid si weyn u sii xogeysanaya, xili marka dhanka kale la eego ay adag tahay in aad xog badan ka hesho xaaladda Ninka u dhashay dalka Yaman ee la sheegay in lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya.
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay dhinaca Ehelada Ninka warkiisa la la yahay ayaa sheegaya in ay maqleen warku saabsan in Ciidamada Itoobiyaaku dileen Ninka lagu wareejiyay, lakiin hadana lagu wargliyay in arintaasi tahay mid aan waxba ka jirin taasoo ah ayeey yiraahdeen mid nagu dhalisay Cabsi iyo wal wal hor leh.
HOL oo si weyn ula socota wararka ku saabsan xaaladda Ninka u dhashay dalka Yaman ee dhawaan lagu wabtay Magaalada Beledweyne ayaa sida ay ka soo xigtay shakhsiyaad si weyn ugu dhow dhow dhinaca Ciidamada Dowlada Itoobiya waxaa jira xiriir u dhaxeeya Aabaha dhalay Wiilka iyo Saraakiisha Itoobiya ee joogta Duleedka Magalada Beledweyne simarkaa war buuxa looga helo xaalada Wiilka.
Laakiin warkaasi ku saabsan in xiriir uu u dhaxeeyo Saraakiisha Itoobiya iyo Aabaha dhalay Wiilka xiran mar HOL ay wax ka weydiisay Xubno ka tirsan Jaaliyada Yaman ee ku sugan Magaalada Beledweyne waxaa ay sheegeen in aysan wax war ah u heyn, Balse dhinacooda uu la soo hadlay Wiilka Aabihii oo jooga Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelada Hoose, iyaga oo intaa ku daray in wararka isburinaya ee mar walba ka soo baxaya xaalada Ninka dhalinyarada ah ee xiran la oran karo waa kuwo cabsi abuuraya.
Ninka loo heysto in uu lugta ku lahaa qaraxyadii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan oo da’diisa lagu sheegay 22-sano ayaa sida ay sheegeen Eheladiisa waxaa uu tagay dalka Yaman isaga oo jira 3-sano, waxaana uu xiligaa ka tagay Magaalada Marka ee dalka Soomaaliya, waxaana ay intaa ku dareen in Luuqada kaliye ee asalka u ah tahay tan caribiga.
Dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraan ayaan si rasmi ah wali uga hadlin xaalada dhabta ah ee ku saabsan halka uu ku sugan yahay Ninka dhawaan ay soo xiraan Ciidamada Booliska, Walow hadana aysan jirin cid si toos ah Su’aashaasi u weydiisay Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka sababo dhinaca Nabad-galyada ah awgeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






