11.7 C
London
Monday, October 27, 2025

Somaliland oo Ciidamo hor leh geysay Deegaanka ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 29, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in la soo dhoobay Deegaanka Ari Caddeeye ee ay isku horfadhiyaan Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo uu maamulka Somaliland ku xoojinayo Ciidamada ka jooga Gobolka Sool ee dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Puntland oo dhawaan uu dagaal dhexmaray.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Laas-Caanood ayaa waxay dareemeen cabsi weyn kadib markii ay saaka isu ruuqaansadeen Ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxayna dadku ka cabsi qabaan in uu labada Ciidan oo wax yar isu jira uu dagaal ka dhex qarxo.

 

Ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay in muddo ah isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen, iyadoo dagaalkoodana uu salka ku hayo gacan ku heynta Gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay gacan ku heyntooda ku dagaallamayaan Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay si weyn u daneynayaan in ay ka madax banaanaadaan maamulladaas dushooda ku hardamaya, isla markaana ay yeeshaan nidaam labada dhinac ka madax bannaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).