Sabti, September 29, 2007(HOL): Waxaa wali ku jira Xabsiga dhaxe ee Magaalada Beledweyne Wariye ka tirsan Idaacadaha Derban iyo Soomaaliweyn ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne kadib markii Maamulka Gobalka Hiiraan uu xabsiga u taxaabay 23-bishan aynu ku jirno.
Wariye Xuseen Xasan Dhaqane oo lagu eedeeyay in uu diyaariyay kuna daabacay Boga Idaacada Soomaaliweyn ku leedahay Internetka Qoraal ka dhan ah Maamulka Gobalka Hiiraan ayaan ilaa hadda la soo tagin wax maxkamad ah si markaa loo xukumo ama loo sii daayo.
Qoraalka loo heysto wariyaha oo ah mid ku saleysan qaadasho laaluush iyo wax daba marin dhinaca Maamulka ah ayaa sida uu ku doodayo wariye dhaqane lagu soo daray erayo ka bad badin ah oo lagu yaabo in ay ku biiriyeen shaqsiyaadka soo dacweeyay, lakiin dhinaca maamulka ayaa iyagu ku adkeysanaya in qoraalku yahay mid u dhigay sidii markii horeba loo qoray.
Xariga Wariye Xuseen dhaqane ayaa waxaa siweyn u canbaareeyay Ururada u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Saxaafada ee gudaha dalka, waxaana ka mid ah Ururada Canbaareeyay xarigiisa Xarunta Dr, Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha oo ku tilmaamtay Xariga wariyaha in uu yahay mid xad-gudub ku ah xuriyada hadalka, Sidoo kale waxaa xarigaasi ku tilmaamay mid sharci daro ah Ururka HIJONET oo ah urur ay ku mideysan yihiin Suxufiiyiinta ka howl-gasha Gobalka Hiiraan.
Marka la eego Wariyayaasha ka howl-gala gudaha Gobalka Hiiraan waxaa la
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






