Jimco, September 28, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay sugan yihiin Ciidamo ka amar qaayta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku yaala magaalada muqdisho, iyadoo hugunka madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayeen-na laga maqlayay xaafadoo badan oo Muqdisho ku yaala.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee la weeraray ayaa waxay ku kala sugnaayeen Saldhigga degmada Hodan, Tareebuunka iyo Xeradii Guul-wadayaasha, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in iyana la weeraray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.
Rasaas xooggan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayay abada dhinaca caawa isu adeegsadeen, taasi oo ahayd mid aaney labada dhinac in muddo ah isu adeegsan.
Ilaa iyo haatan lama yaqaano khasaaraha uu geystay dagaalka labada dhinac dhexmaray oo ahaa mid aad u xoogganaa, walow ay jiraan warar sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.
Dagaalka Caawa dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid dagaal xooggan uu ku dhexmaray Ciidamo halkaas fariisin ku lahaa iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo maalmo sii horeeyayna uu isla aaggaas dagaal kale ka dhacay.
Dagaalka caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu dhacay iyadoo ay dadku u fadhiyeen afurkii Soonka bacdamaa ay maanta oo dhan soomanaayeen, waxaana xaafadaha dagaallada ka dhaceen qaarkood lagu arkayay dad guryahoodi ka qaxaya iyagoo aan xitaa afurin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa weli laga maqlayaa xaafado ka mid Magaalada Muqdisho rasaas aan la ogeyn cidda rideysa dhinacyadii caawa uu dagaalka dhexmaray.
Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






