Jimco, September 28, 2007(HOL): Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay rasaaseeyeen Dad ku cibaadeysanayay Masjid ku yaala Xaafadda Towfiiq ee Magaalada Muqdisho.
3 Ruux ayaa ku dhaawacantay Rasaastii ay Raggaas Masjidka ku fureen, kuwaasi oo ahaa Dad Masjidka ku ictikaafayay oo aan waxba galabsan, waxaana falkaasi si weyn uga xumaaday dadka deegaankaas oo sheegay in ay la yaaban yihiin waxa ku kalifay Raggaas in ay rasaaseeyaan Masjidkaas oo ka mid ah goobaha ka caagan dagaallada.
Lama garanayo sababta ay Raggaas u rasaaseeyeen Dadkii masjidka ku jiray, waxayse dadka deegaankaas sheegeen in Ragga falkaas geystay ay ilaa saaka falal qarbudaad ah ka wadeen Xaafadda Towfiiq, gaar ahaan agagaarka halka uu Masjidkaas ku yaallo oo u dhow Miisaanka Dhuxusha.
Mid ka mid ah Dadka Deegaanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa wuxuu sheegay in Raggaas oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ay falal dhac ah ka geysteen Xaafadda Towfiiq, isla markaana ay goobeen Dukaamo iyo Carwooyin halkaas ku yaala.
Qofkaas ka mid ah Dadka Deegaanka Towfiiq ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ee falalka dhaca iyo dhaawaca ah ka geystay Xaafaddooda ay iska tageen markii ay cabaar joogeen, iyagoo aaday dhinaca Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.
Intaas kaliya kuma koobna shaqaaqooyin ay maanta Ciidamo ka amar qaata ka geysteen Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana jiray in Ciidamo ku sugnaa Wadada Warshadaha oo toogasho u geystay labo nin oo rayid ah, kuwaasi oo mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Galad.
Ugu dambeyntiina, Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyo in ay falal Bani’aadannimada ka baxsan ay ka geysteen goobo ay ka howlgelayeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






