Jimco, September 28, 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin C/llaahi
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Degmada Dharkeenley ay ku barakaceen Dad badan oo ka qaxay dhibaatooyin ka jira xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in Dadkaas ay yihiin kuwo aan waxba heysan oo guryahoodii ka soo cararay.
Sidaas darteedna wuxuu Guddoomiyaha ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaas oo xaalad nolol xumo ah ay soo food saartay, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay Dadka Degmada Dharkeenley in ay dadkaas u naxariistaan, isla markaana aysan ku qaalinin kirada guryaha.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin C/llaahi Cali waxaa uu intaas ku daray in Dadka ku barakacay Degmadaas ay u badan yihiin Caruur, Haween iyo Waayeello, kuwaasi oo lagala soo cararay dhibaatooyin ka jira Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Dadkani u barakacay Degmada Dharkeenley ayaa waxay intooda badan ka qaxeen xaafadahooda oo ku yaala Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxayna ka carareen iska hor-imaadyo joogto ah oo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qalalaasaha ka jira Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen in ay Dad badan ka barakacaan guryahooda, isla markaana ay u qaxaan meelo ay naftooda uga badbaadin karaan qaraxyada iyo iska hor-imaadyada dhexmara dhinacyada isku haya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






