Jimco, September 28, 2007(HOL): Waxaa isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Ninka lagu magacaabo Nuuriye Cali Faarax.
Taliye ku xigeenka ayaa xili uu marayay Deegaanka No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa jidka u galay Kooxo Maleeshiyooyin ah oo rasaas badan ku furay Gaadiidkii uu la socday.
Nuuriye Cali Faarax oo wax laga weydiiyay in uu gartay maleeshiyooyin soo weeraray ayaa wuxuu sheegay in maleeshiyooyinka weerarka ku soo qaaday ay ahaayeen kuwo ka gadooday Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay falal nabadgelyo darro ah ka wadaan deegaano dhowr ah oo ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka lagu qaaday Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir Nuuriye Cali Faarax ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Deegaanka Ceel Jaalle lagu dilay Taliye ku xigeenkii Booliska Degmada Marka Marxuum Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil.
Nuuriye Cali Faarax ayaa wuxuu la soo shaqeeyay Maamulkii Yuusuf Indha-Cadde iyo Midkii Maxkamadihii Islaamka, iyadoo haatanna uu la shaqeynayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina Wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Degmada Marka ayaa waxaa muddooyinkan dambe ku soo badanayay falal nabadgelyo darro ah, waxaana dhowr jeer lagu waxyeeleeyay Dad safar ahaa, kuwaasi oo loo geystay falal isugu jira Dil, Dhac iyo Kufsi, mana jirto ilaa iyo haatan Tallaabo uu Kooxahaas nabadgelyo darrada wada ka qaadayo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






