Jimco, September 28, 2007(HOL): Waxaa isa soo taraya warar xalay ilaa saakay ka soo baxayay Dagaal shalay gelinkii dambe agagaarka Jaamacadda Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Wararkii ugu horeeyay ee dagaalkaas ka soo baxay ayaa waxay sheegayeen in ay labada dhinac isu geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, halka warar kale oo dad deegaankaas degan laga helayna ay sheegayaan in dagaalkaas uu khasaare ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo Gaari Cabdi Bile ah laga gubay, isla markaana dhowr Askari laga dilay.
Dagaalkaas kadib ayaa saakay waxaa la arkayay Ciidamo Soomaali ah oo ku sii qulqulaya Deegaankii uu Dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo howlgallo ka sameynayay deegaankii uu dagaalka ka dhacay iyo kuwa u dhow, waxayna ugu dambeyntii Ciidamadaas isaga soo baxeen fariisin ay ku lahaayeen agagaarka Jaamacaddii Muqdisho.
Waa weerarkii labaad oo Aaggaas loogu geystay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weerar midkan ka horeeyay oo lagu qaaday lagu dilay seddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu ku jiray Sarkaal lagu magacaabi jiray Nuur Warsame Xiirey.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhacayay iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda iyo weliba dilal aamusan oo loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






