Khamiis, September 27, 2007(HOL): Ardaydii Ubaxa Qaranka ee dhawaan ka qeybgalay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxay dibadbax cabasho ah ka dhigeen Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in lacag loogu talagalay in la siiyo laga lunsaday.
50 Arday oo dibadbaxaasi dhigay ayaa waxay sheegeen in ay muddo 3 bilood ah ku xareysnaayeen Xarunta Kuleejka Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay mudadaas ku mashquulsanaayeen diyaarinta heeso Wadani ah oo ay ka qaadeen madasha shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Ilhaan Cali Ibraahim oo 12 sano jir ah, isla markaana ka mid ah Ardayda Ubaxa Qaranka ayaa sheegtay in loo sheegay intii ay ka qeybgelayeen shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed in ay maalin kasta leeyihiin lacag dhan 10$, taasi oo aaney ilaa iyo haatan helin, iyadoo intaas sii raacisay in ay Guddigii Shirka maamulayay ka codsanayaan in la siiyo lacagtii loo ballanqaaday.
Dhanka kalena, Ergadii Puntland ee ka qeybgashay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu soo gebagebeeyay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka codsadeen madaxweynaha Maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse in uu u soo diro dhaqaalihii ay ugu laaban lahaayeen deegaanadii ay ka yimaadeen ee Puntland.
Ergadan ayaa sheegay in dhaqaalihii ay ka sugayeen guddigii maamulayay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si aan wanaagsaneyn loo maamulay, isla markaana aan la soo gaarsiinin, waxayna sheegeen in ay haatan go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wixii ka dambeeyay markii uu dhamaaday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin ka imaanayay qaar ka mid ah Ergooyinkii shirkaas ka qeybgalay, kuwaasi oo qaarkood sheegaya in aan waxba la siinin, halka kuwo kalena ay sheegeen in ay heleen lacag ka yar tii ay ka sugayeen Guddigii maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






