12.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in aan laga hari doonin kooxihii dilay Guddoomiyihii Degmada Huriwaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaan laga hari doonin kooxihii dambeeyay dilkii xalay loo geystay Guddoomiyihii Degmada Huriwaa marxuum Cabdi Xuseen Absuge.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa sheegay in guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in aan laga hari doonin sida uu u yiri dhagar-qabayaashii ka dambeeyay dilkii loo geystay Guddoomiyihii Degmada Huriwaa Marxuum Cabdi Xuseen Absuge iyo weliba dhaawac loo geystay ku xigeenkiisa C/llaahi Macallin Axmed Muuse, iyadoo uu sheegay in ay haatan socdaan baaritaanno lagu hayo kooxihii ka dambeeyay dilka marxuumka.

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, isla markaana la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dilay dhowr guddoomiye Degmo, ku xigeenno iyo weliba Guddoomiye Waaxeedyo.

 

Guddoomiyayaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa labo Guddoomiye oo loo magacaabay Degmada Yaaqshiid iyo Guddoomiyayaashii Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Shibis, halka uu isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Boondheere, kaasi oo ay dhaawac ahaan uga tageen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dilaan.

 

Dhanka kalena Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska Degmada Kaaraan ay xalay gacanta ku dhigeen labo Jawaan oo ay ka buuxeen waxyaabo qarxa, kuwaasi oo ay wateen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, wuxuuna caddeeyay in kooxahaas hubeysan ay doonayeen in ay waxyaabaha qarxa geliyaan Wadada isku xirta Mariino iyo Keysaney.

 

Ugu dambeyntiina, Maxamed Muxyaddiin waxaa uu sheegay in ay saakay u yimaadeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ujeedada ay ugu yimaadeen ay ahayd in ay ku wargeliyaan dadka Soomaaliyeed in ay hayaan nin meyd ah oo isagoo dhaawac ah loo geeyay 17-kii Bishan, kaasi 18-kii isla bishan  ku geeriyooday Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.Saraakiisha Ciidamada AMISOM waxay u sheegeen Maamulka Gobolka Banaadir in ninkaas meydka ah oo lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed Isaaq uu haatan ku jiro Qaboojiye yaala Xarunta Ciidamada AMISOM ee Dugsigii Tababarka Xalane, isla markaana ciddii uu ka maqan yahay ay halkaas ka heli karto.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).