12.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Faransiiska oo Markab Dagaal u soo diraya Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Faransiiska Nicolas Sarkozy oo la hadlayay Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay Dowladiisa Markab Dagaal u direyso Xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedka ah.

 

Madaxweyne Sarkozy waxaa uu sheegay in Markabkaas uu Xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doono Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha Qafaasha, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay in uu ilaalin doono Markabkaas Raashinka Mucaawinada ah ee ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ay geyso Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu intaas ku daray in uu u baaqayo cid kasta oo daneyneysa in ay qaadato go’aan la mid ah midka ay Dowladdiisa qaadatay, wuxuuna caddeeyay in Markabka ay u dirayaan Biyaha Soomaaliya uu wax weyn ka tari doono dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha wada Adeegyada Gargaarka iyo Ganacsiga.

 

Dhanka kalena, Madaxwyenaha Ghana John Agyekum Kufuor oo isna ka hadlay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda Caalamka ay xoogga saaraan ka hadalka Xaaladda ka taagan Gobolka Darfur ee dalka Soomaaliya, isla markaana ay yareysanayaan qalalaasaha ka jira Dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne John Kufuor waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada uu UN-ka ka qaadanayo Gobolka Darfur ee ay qalalaasaha ka jiraan, hayeeshee waxaa uu ku baaqay in uu sidoo kale UN-ka tallaabo taas la mid ah ka qaato Dalka Soomaaliya oo xabad ay ka socoto, wuxuuna ka codsaday Golaha Ammaanka in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, kuwaasi oo bisha Febraayo ee soo socota bedela Ciidamada Midowga oo uu sheegay in ay haatan Soomaaliya ka joogaan Itoobiya iyo Uganda.

 

Ugu dambeyntiina, Dalal dhowr ah oo ay Dowladda Ghana ku jirto ayaa horay waxay u ballanqaadeen in ay Soomaaliya Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah u dirayaan, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiro Dal Ciidamo diray, iyadoo sababaha ay Ciidamada u diri waayeena lagu sheegay dhaqaale la’aan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).