12.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Guddoomiyihii Degmada Huriwaa oo xalay la dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL): Waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Saldhigga Degmada Huriwaa Guddoomiyihii Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Absuge iyo sarkaal ka tirsanaa Ciidamadii Saldhiggaas joogay oo isna lagu magacaabi jiray Axmed Xaashi Jimcaale.

 

Guddoomiyihii Degmada Huriwaa iyo Sarkaalkaas ayaa geeriyooday kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Saldhigga Degmadaas oo in muddo ah ay weerarayeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha oo ka soo horjeeda.

 

Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee xalay la dilay ayaa dhawaan xilkaas loo magacaabay kadib markii ay isna kooxo hubeysan toogteen Guddoomiye horay loogu magacaabay Degmadaas, iyadoo sidoo kalena horay loo dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaas.

 

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, isla markaana la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dilay dhowr guddoomiye Degmo, ku xigeenno iyo weliba Guddoomiye Waaxeedyo.

 

Guddoomiyayaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa labo Guddoomiye oo loo magacaabay Degmada Yaaqshiid iyo Guddoomiyayaashii Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Shibis, halka uu isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Boondheere, kaasi oo ay dhaawac ahaan uga tageen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dilaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca iska hor-imaadyo joogto ah tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii Janaayo ee sanadkan, xiligaas oo ay Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay Maxkamadihii Islaamka kala wareegtay gacan ku heynta deegaano badan oo ay ka talinayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).