13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Boosaaso laga sugayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, September 26, 2007(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka W/Bari ayaa sheegaya in ay magaaladaas ka socoto qabanqaabo loogu jiro soo dhaweynta Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka amba baxaya.

 

Wafdigan ayaa cidda hoggaamineysa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan waxayna warar hore oo soo baxay ay sheegayeen in Wafdiga uu hoggaamin doono Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, balse warar kale ayaa sheegaya in Wafdigaasi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurax ayaa xaqiijiyay in wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu maanta Muqdisho ka soo gaarayo, kaasi oo uu sheegay in ay ka wada arinsanayaan arrimo ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

 

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka inta ay ku sugan yihiin Gobolka Bari uu tababar u soo xiri doonaan Ciidamo Boolis ah oo dhawaanahan tababar uu uga socday Degmada Carmo.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa u dhaxeeya mad-madow ka dhashay heshiisyo uu Maamulka Puntland la galay Shirkado Shidaalka baara, iyadoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiisyadaas ka biyo diidan-na ay Baarlamaanka Soomaaliya hor-geysay Sharci ku saabsan Baarista Shidaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan markii ugu horeysay oo Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ay tagaan Deegaannada Puntland, waxaana horay u booqady wufuud ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, hayeeshee waxaa muuqaneysa in booqashooyinkaas aysan wax xal ah u keenin mad-madowga soo kala dhexgalay labada dhinac, waayo markii madaxda labada dhinac is-booqdaan waxaa muddo kadib la maqlaa Maamulka Puntland oo ka sheeganaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).