Arbaco, September 26, 2007(HOL): Garyaqaannada u doodaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow oo ku xiran Xabsiga CID-da ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in aan labadaas mas’uul lagu soo xirin qaab sharci ah.
Avv. Xasan Diiriye Afrax iyo Avv. Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxay sheegeen in Guddoomiyaha si aan wanaagsaneyn loo soo xiray iyadoo ay hayaan xilalkii ay Dowladda u hayeen, waxayna taasi ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsaneyn.
Labadan Garyaqaan oo warsaxaafadeed ka soo saaray xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxay sheegeen in aan sidoo kale la heynin caddeymo rasmi ah oo muujinaya dembiga loo heysto labadaas mas’uul, sidaas darteedna waxay dalbadeen in Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garsooraha la xiran Xoriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ayaa dhawaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka waxay ku soo xireen Xabsiga CID-da, iyadoo amarka lagu soo xirayna uu bixiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in Guddoomiyaha uu lunsaday lacag ku dhow 800,000US$.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa uu sheegay in aan la sii deyn doonin Guddoomiyaha Maxkamadda sare, isagoo haddii la sii daayana sheegay in sharciga lagu tuntay, isla markaana aysan jirin doonin cid dambe oo sharci lagula xisaabtami doono.
Ugu dambeyntiina, Xiisad ka dhalatay xariga Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa cirka isku shareertay, waxayna gaartay in ay ka fariistaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, isla markaana ay soo saaraan go’aan ay xilka uga qaadayaan Xeer Ilaaliyaha Guud C/llaahi Daahir Barre, kaasi oo isna diiday xil-ka-qaadista lagu sameeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






