Arbaco, September 26, 2007(HOL): Nin dhalin yaro ah oo dhalashadiisu tahay dalka Yaman islamarkaana dhawaan gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne kadib markii lala xiriiriyay in uu lug ku lahaa qaraxyo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Duleedka Magaalada Beledweyne.
Dad Xog-ogaal ah oo ku dhaw dhinaca Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen isaga oo indhaha ka xiran laguna hayo goob ka tirsan fariisinka Ciidamada Itoobiya ee duleedka Magaalada Beledweyne, lakiin ma’jiro war intaa dhaafsiisan oo tafiisiil ka bixinaya halka loo sii gudibiyay Ninka Yaman u dhashay ee dhawaan lagu qabtay gudaha Magaalada Beledweyne.
Jaaliyadda Yaman ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa muujineysa wal wal ay cabsi la xiriira sida ay ula dhaqmi karaan Ciidamada Itoobiya Ninka u dhashay Yaman ee la sheegay in lagu wareejiyay, iyaga oo intaa ku daray in aysan wax war ka heyn halka lagu hayo.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa wax badan iska weydiinaya arinta Ninka dhalinyarada ah ee u dhashay dalka Yaman, waxaana dadka qaarkii kuu sheegayaa in ka hor inta aan lagu wareejin Ciidamada Itoobiya loo baahnaa in ay baaritaan ku sameeyaan Ciidamada Boolisku jiritaanka in uu ku lug lahaa wax yaabaha lagu eedeynayo si markaa hadii lagu helo loo Maxkamadeeyo, iyaga oo intaa ku daraya in wax laga xumaado tahay sida loola dhaqmay Ninka Ajnabiga ah.
Dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraan ayaan ka soo bixin wax war ah oo ku aadan xaalada Ninka lagu qabtay gudaha Magaalada Beledweyne iyo hadiiba ay ka war hayaan halka uu ku danbeeyay, Inkastoo hadana la oran karo raadinta wararkaa noocaa oo kale ah waa mid uu dhib badan ka mudan karo Wariyuhu.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






