Talaado, September 25, 2007HOL): Maxaabiis tiro badan ayaa waxaa laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho kadib markii uu Maxaabiistaas oo tiradoodu gaareysay 43 Maxbuus uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Maxaabiistan oo laga qabtay Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, Isbitaalka Banaadir, Machad lagu barto Culuumta Islaamka oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa iyo meelo kale oo Muqdisho ah ayaa waxay isugu jireen ganacsato, Macalliin iyo Xaafadahooda iska joogay.
Wasiirka Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame ayaa sheegay in Maxaabiistaas uu Madaxweynaha cafis u fidiyay kadib markii uu eegay soo jeedin uga timid Wasaaradda Garsoorka, taasi oo ku saabsaneyd in Fadliga bisha Ramadaan aawgeed dadkaasi la sii daayo bacdamaa aysan wax dembi ah lahayn.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyo maxaabiis ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana horay xabsigaas looga sii daayay dad loo soo qabqabtay in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo kale oo tuhunno lagu soo xiray.
Haddaba iyadoo maxaabiis laga sii deynayo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayay hadana Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qabanayaan Dad hor leh, kuwaasi oo ay ka qabtaan Xaafadaha ay howlgallada ka sameeyaan ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






