Talaado, September 25, 2007HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho.
Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay Agagaarka Dugsiga 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi ayaa waxaa lagu qarxiyay miino wadada hareeraheeda loo dhigay, inkastoo ay Miinada qaraxday kadib markii uu Gaariga ka gudbay.
Laakin Nin Oday ah oo Wadada dhinaceeda marayay ayaa la xaqiijiyay in uu Qaraxaas ku dhaawacmay, kaasi oo dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday Qarax, iyadoo la sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo qaraxaas ka dhashay.
Qarax kale ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Wadada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugan. Qaraxaas kadib ayay ciidamadu rideen rasaas tiro badan, taasi oo qalqal iyo cabsi gelisay dadka degan nawaaxiga Isgoyska Aadan Cadde.
Wadadaas ayaa saakay oo dhan waxay ahayd mid degan oo aysan wax qaraxyo iyo rasaas ah ka dhicin, hayeeshee waxay noqotay mid aan xasilooneyn oo maristeeda laga cabsado kadib markii uu qaraxaas dhacay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa habeennadan waxaa ka dhacaya iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna weeraradani noqonayaan kuwo xiriir ah oo habeen kasta dhaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






