Talaado, September 25, 2007HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa
Kulanka oo ay albaabada u xirnaayeen ayaa wuxuu ahaa mid saacado badan qaatay oo ay labada mas’uul ku wada hadlayeen. Lama sheegin waxyaabaha rasmi ahaan kulankaas looga hadlay, marka laga reebo warar sheegaya in ay mas’uuliyiintan ka arinsanayeen xiisad ka dhalatay xariggii dhawaan loo geystay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo weli xabsi ku jira.
Kulanka ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi yeesheen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beryahan ay jireen warar sheegaya in uu khilaaf soo kala dhexgalay labadan mas’uul, kaasi oo xitaa gaaray inuu ka hadlo Baarlamaanka Soomaaliya oo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Prof. Maxamed Cumar Dalxa uu ku baaqay in la xaliyo khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in uu khilaafkooda gaaray in laga falanqeeyo Qalabka Warbaahinta.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa intii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya deganeyd Magaalada Baydhabo oo aysan u soo guurin magaalada Muqdisho waxaa dhexmaray khilaaf sababi gaaray in ay burburto Dowladda Federaalka, kaasi oo uu markii dambe xaliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






