13.1 C
London
Tuesday, October 28, 2025

Dadka Degan Hareeraha Wadada Warshadaha oo loogu baaqay in ay halkaas ka guuraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 25, 2007HOL): Dadka degan hareeraha Wadada Warshada ee magaalada Muqdisho ayaa maanta loogu baaqay in ay halkaas ka guuraan, iyadoo dadka deegaannadaas deganna ay walaac ka muujiyeen amarkaas oo uga yimid dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamada amarkaas bixiyay ayaa sheegay in dadka degan hareeraha Wadada Warshadaha, gaar ahaan kuwa degan Xaafadaha Carafaad iyo Tawakal ee Degmada Yaaqshiid ay gabaad siiyaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay xaafadahooda ku qariyaan.

 

Qaar ka mid ah Dadka digniintaas la siiyay ayaa waxay sheegeen in Ciidamadu ay u sheegeen in aaney meesha ku arki karin marka qoraxu dhaco, waxayna taasi ku tilmaameen mid tacaddi ku ah, bacdamaa aysan aqoonin meel ay guryahooda ka aadaan.

 

Amarka ka soo baxay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore Ciidamo fariisin ku lahaa dhanka Waqooyi ee Wadadaas, gaar ahaana agagaaraha Qabuuraha Barakaat ay kooxo hubeysan weerareen, iyadoo halkaasina ay ku geeriyoodeen Askar ka tirsan Ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo weliba Taliyihii Ciidamadaas heystay oo lagu magacaabi jiray Nuur Warsame Xiirey.

 

Dhanka kalena Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay lagu weeraray Garoonka Muqdisho Stadium ayaa saakay waxay howlgallo guryo baaris ah ka sameynayeen qeybo ka tirsan Wadada Warshadaha, gaar ahaana Xaafadaha Towfiiq iyo Gubta.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa intii aysan dhicin dagaalladii Muqdisho ka dhacay waxay ku baaqeen in laga guuro Deegaanada u dhaxeeya Kuliyaddii Jaalle Siyaad ilaa Warshaddii Baastada, iyadoo goobahaasina la xusuusto in ay ahaayeen kuwii ay ka dhaceen dagaalladdii Muqdisho ka dhacay ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).