Isniin, September 24, 2007(HOL): Labo qarax oo is-xigay ayaa maanta waxay ka dhaceen Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxyadaasina lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugan.
Labadan Qarax oo ahaa Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaan la sheegin wax khasaare ah oo ay u geysteen Ciidamadii lala beegsaday, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo goobta lagu tuuray aysan xiligaas Ciidamadu ka dhaweyn.
Hayeeshee markii ay qaraxyadaas dhaceen kadib ayaa waxay Ciidamadu fureen rasaas tiro badan, taasi oo aan la ogeyn khasaarihii ay geysatay. Ciidamada ku sugan Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoyska Aadan Cadde ayaa mar kasta oo qaraxyo lala beegsado waxay ridaan rasaas aan loo jeedin cid ay ku ridayaan, iyadoo la arko Askar jooggooda Rasaas ridaya, iyagoo weliba rasaasta ku ridaya xaafadaha dhexdooda.
Dadkii deganaa nawaaxiga Isgoyska Aadan Cadde ayaa guryahoodii waxay uga guureen sabab la xiriirta iska hor-imaadyo dhowr ah oo halkaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dhanka kalena, Askari ka tirsan Ciidamada Minishiimbiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Suuqa labaad ee Muqdisho ee Suuq Bacaad, iyadoo sidoo kalena ay Kooxihii Askarigaas dilay oo Bastoolado ku hubeysnaa ay dhaawac culus u geysteen Askari oo caawinayay Askariga la dilay.
Ugu dambeyntiina,Idaacadda Shabeelle iyo goobo ganacsi oo kale oo ku yaala Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa muddo todobaad ah waxaa u laaban Albaabada kadib markii Aagga ay ku yaalaan uu noqday mid Ciidan oo iska hor-imaadyada ay ka dhacaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






