12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beesha Hawiye oo baaq u diray Xildhibaannada Beesha Hawiye u metela Barlamaanka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 24, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa warsaaxafadeed uu maanta soo saaray wuxuu baaq ugu diray Xildhibaannada Beesha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warsaxaafadeedka uu Golaha soo saaray ayaa waxaa loogu baaqay 61 Mudane ee Beesha Hawiye ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka hadlaan tacaddiyo ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay u geystaan Dadka ku abtirsada Beesha Hawiye.

 

Afhayeenka Golahaas C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) oo Warsaxaafadeedkas Saxaafadda u aqrinayay ayaa sheegay in Xildhibaannada Beesha Hawiye ugu jira Dowladda Federaalka looga fadhiyo in ay meel saaraan tacaddiyo loo geystay Dadka ay magacooda Baarlamaanka ku fadhiyaan, haddii kalena ay Baarlamaanka isaga baxaan.

 

C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ay geysteen tacaddiyo ay ka mid yihiin:

 

Xasuuq Dad gaaraya 15 Kun oo Ruux

Dhaawac Dad gaaraya 30 Kun oo Ruux

Barakacin Dad gaaraya 2 Milyan oo Qofood

Iyo Burbur Hanti oo gaaraya 1.5 Milyan Doollar, kuwaasi oo isugu jira Warshado, Goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ganacsi, Gaadiid iyo Guryo dhamaantood la burburiyay.

 

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu soo saaray warsaxaafadeedyo uu ku sheegayay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay Magaalada Muqdisho tacaddiyo ka geysteen, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin cid wax ka qabatay cabashooyinkaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).