12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Wareegtooyin ku socda Dadka Muqdisho, Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Ciidamada Ilaalada Deegaanka Xamar

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 24, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu soo saaray Seddex Wareegto oo ku kala socday Shirkadaha Isgaarsiinta Muqdisho, Dadka Muqdisho iyo weliba Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar.

 

Wareegtooyinkan ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa lagu faray Shirkadaha Isgaarsiinta  in aysan Shati la’aan shaqeyn karin, sidoo kalena aysan isticmaali karin Baallayaashii ay Lahayd Dowladdii Hore.

 

Shirkadaha Isgaarsiinta  ayaa sidoo kale la faray in ay ruqsad soo weydiisato Maamulka Gobolka Banaadir haddii ay Taleefoon gelin sameynayaan, isla markaana ay dayactir ku sameeyeen Waddooyinkii ay horay u burburiyeen oo ay Fiilooyinka Taleefoonnada geliyeen.

 

Wareegtada ku socotay Dadka Muqdisho ayaa iyagana lagu sheegay in aysan jirin cid wax dhismo ah sameyn karta iyadoo aan ruqsad ka heysan Maamulka Gobolka, iyadoo qofkii amarkaas u hoggansami waayana loo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

 

Ugu dambeyntiina Wareegto kale oo uu maanta soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu faray Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar in ay si deg deg ah ugu soo xaroodaan Xerooyinkooda, si loola socodsiiyo arrimo khuseeya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).