12.5 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xabsiga dhigay Wariye u shaqeynayay Idaacadda Somaliweyn

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, September 24, 2007(HOL): Wariye Xuseen Xasan Dhaqane ayaa Maalintii shalay loo taxaabay xabsiga dhaxe ee Magalada Beledweyne kadib markii lagu soo eedeyay in uu sii daayay warar ka dhan ah maamulka Gobalka Hiiraan iyo hay’adda UNICEF.

 

Wariye Dhaqane oo ka tirsan Idacadaha Darban iyo Somaliweyn ee ka howl-gala Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ayaa ka hor intaan xabsiga la dhigin looga yeeray Xafiiska Maamulka Gobalka Hiiraan,  waxaana uu guddoomiyuhu ka hor aqriyay qaraalka uu daabacay oo ah mid ku saleysan Laaluush iyo lacago  sharici daro ah oo uu maamulku ka qaatay shaqsiyaad iyo hay’adda UNICEF.

 

Laakiin Wariye Dhaqane waa uu diiday in uu isagu daabacay warka lagu soo eedeeyay waxaana uu ka dalbaday dhinaca maamulka in ay u cadeeyaan cida dacwada u qabta, Balse Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa amar ku bixiyay markii danbe in xabsiga la dhigo Wariyaha.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulku xabsiga u taxaabo wariyayaal ku howlan Mihnadooda shaqo,  dhawaan ayeey ahayd markii  Wariye Cilmi Max’ed Waare iyo Zowda Xuseen Max’uud oo ka wadda Tirsan Idaacada Horn Afric Maamulku xiray walow markii danbe la sii dayay.

 

Marka la eego Xirirka ka dhaxeeya Saxaafadda iyo Maamullada hoostaga Dowlada Federaalka ayaa muuqaneysa  in uu yahay mid mugdi badani ku jiro,  gaar ahaan Gobalka Banaadir oo la oran karo waa halka ugu badan ee Saxaafadu kala  kulanto talaabooyin ka hor imanaya howlahooda shaqo sida Idaacada Shabeele oo Mudo todobaad ah hawada ka maqan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).