Axad, September 23, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta wuxuu Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku shiray magaalada Baydhabo wuxuu ugu baaqay in ay ku baxaan oo ay xal u raadiyaan khilaaf soo shaac baxaya oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxda Dowladda uu gaaray in laga sii daayo Idaacadaha Caalamka, wuxuuna sheegay in ay taasi fool xumo ku tahay Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Hay’addii Sharci dejinta, “Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa laga doonayaa in ay si dhexdhexaad ah u galaan arrintaas, isla markaana ay qaboojiyaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Dowladda”ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in Xubnaha Dowladda Federaalka ay hal doon wada saaran yihiin, isla markaana haddii qof duleeliyo Doontaas la wada kiidayo.
Markii uu Prof. Dalxa baaqaas u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka ayay qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka oo arrintaas fikraddooda ka dhiibtay waxay sheegeen in ay dhibaato weyn tahay khilaaf soo kala dhexgala madaxda sare ee Dowladda, wuxuuna mid ka mid ah Xildhibaannada uu sheegay in haddii ay maanta dagaallamaan Ciidamada madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay taasi khasaare xooggan keeni doonto, “Baarlamaanka haddii aan nahay waxaan la mid nahay hooyo wax dhashay oo kaliya, haddii Hooyadu ay Caruurteeda is-dilaana waxaa loo baahan yahay in ay kala dhexgasho oo ay heshiisiiso”ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Baaqa uu jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ee ku saabsan in la kala dhexgalo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo is-khilaafay ayaa wuxuu bannaanka u soo saarayaa war beryahan la is-dhexmarayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.
Khilaafka la sheegayo in uu u dhaxeeyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa la dareemay oo uu bannaanka u soo baxay kadib markii la soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Yuusuf Cali Haaruun, kaasi oo uu soo xiray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay la kala safan yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.
Ugu dambeyntiina, Ma ahan markii ugu horeysay oo madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu khilaaf soo kala dhexgalo waxayna mar is-khilaafeen intii ay Dowladda Federaalka deganeyd Magaalada Baydhabo, xiligaas oo khilaafkii u dhaxeeyay uu xaliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo Baydhabo u tegay sidii uu u heshiisiin lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isku dhinac ahaa iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dhinac kale ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






