11.8 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Magaalada Muqdisho oo xalay deganeyd

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ahayd mid degan oo aysan wax iska hor-imaadyo ah ka dhicin.

 

Habeennadii aynu ka soo gudbnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro ay kooxo hubeysan ku qaadayeen Fariisimo ay degan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqidsho ku sugan.

 

Inkastoo xalay ay deganeyd magaalada Muqdisho oo aysan wax iska hor-imaadyo ah ka dhicin, hadana Shineemo ku taala Degmada Hodan oo lagu magacaabo Shineemo Qodxaaley ayaa xalay waxaa lagu tuuray dhowr Bambo gacmeed, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen shan ruux oo Shineemadaas daawanayay.

 

Dad degan nawaaxiga halka ay Shineemada ku taallo ayaa waxay sheegeen in maalmo ka hor milkilaha Shineemadaas loo geeyay warqad digniin ah oo loogu sheegayay in uusan Shineemada shidin inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, amarkaas oo uu Milkilaha ka dhego adeygay.

 

Dhanka kalena, saaka markii uu waaga baryay kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas ay ridayeen ciidmo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo la sheegay in ay Kooxo dhalinyaro ah ay Bambooyin ku tuureen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).