11.8 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Cali Mahdi oo sheegay in Ergooyinkii ka qeybgalay Shirkii dib u heshiisiinta ay heli doonaan Lacagtii loo ballanqaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, September 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga maamulayay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Mahdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Ergooyinkii ka qeybgalay shirkaas ay heli doonaan lacagihii loo ballanqaaday.

 

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin warar beryahan soo baxayay oo sheegayay in lacagihii loogu talagalay ergooyinka uu lunsaday Guddigii Shirka maamulayay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wararkaas faafiyay dad doonaya in ay xumaan abuuraan.

 

Guddoomiyaha Guddiga maamulayay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Mahdi Maxamed waxaa uu intaas ku daray in ay wadaan baaritaanno ay ku kala xaqiijinayaan ergooyinka saxda ah iyo dad la sheegay in ay ergo ahaan isugu qoreen Hotellada ay Ergooyinka degan yihiin, wuxuuna caddeeyay in haddii baaritaankaas dhamaado ergooyinka ay heli doonaan lacagtooda.

 

Hadalka Cali Mahdi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay qaar ka mid ah Ergooyinkii shirka ka qeybgalay ay isu soo bax ashtako ah ka hor-sameeyeen Guriga Cali Mahdi ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo codsanayay in la siiyo lacagtii loo ballanqaaday intii ay shirka u fadhiyeen.

 

Sidoo kalena, hadalka Cali Mahdi ayaa wuxuu jawaab u hayay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo dhawaan sheegay in lacagtii loogu talagalay ergooyinkii shirka dib u heshiisiinta ka qeybgalay ay jeebabka ku shubteen dadkii shirka maamulayay, isagoo caddeeyay in aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay ku baxday 8 Milyan oo Doollar oo shirkaas loogu talagalay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagebeeyay Magaalada Muqdisho oo socday muddo 45 cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Ergooyin kor u dhaafayay 2000 Ergay, kuwaasi oo laga soo uruuriyay Gobollada Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).