Sabti, September 22, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howgala gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxay gacanta ku dhigeen Hub Sanaadiiq ku shixnadnaa, kaasi oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Muqdisho.
C/llaahi Ibraahim Shac-shac oo ah ku xigeenka Afhayeenka Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay qabteen hubkaasi oo saarnaa gaari yar oo la doonayay in gudaha Dekedda looga saaro, wuxuuna hubkaas ka xusay Qoryaha RPG-ga ee ay Soomaalida u taqaano Baasuukaha iyo kuwo kale.
C/llaahi Shacshac waxaa uu sheegay in haatan baaris lagu hayo ciddii lahayd hubkaas iyo weliba meeshii laga keenay, wuxuuna ka gaabsaday in uu hadal intaas ka badan ka bixiyo hubkaas.
Waa markii ugu horeysay oo hub noocan oo kale ah lagu qabto gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho oo ay ilaalo ka hayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ay horay Hub ugu qabteen Koontaroollada laga galo Magaalada Muqdisho.
Sikastaba arrtintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay weli ka wadaan magaalada Muqdisho howlgallo ay Muqdisho hubka uga uruurinayaan, iyadoo howlgalladaasina ay u muuqdaan kuwo aaney weli fari ka qodneyn, bacdamaa ay Muqdisho ka dhacaan weerarro ka dhan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, weerarradaasi oo dabcan lagu adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






