Jimco, September 21, 2007(HOL): Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ayaa habeenkii xalay ahaa weerarro lagu qaaday.
Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay weerareen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xeradii Guul-wadayaasha, halkaasi oo ay kala degan yihiin Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.
Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay halkaas labada dhinac isugu adeegsadeen, waxaana intii uu dagaalkaas socday la arkayay hilaac ay bixiyeen madaafiic waa weyn oo ay labada dhinac isku ridayeen.
Dadka degan deegaanada u dhow fariisimada xalay la weeraray ayaa si weyn u argagaxay kadib markii xili habeen ah oo ay hurdayeen dushooda uu dagaal ka qarxay, isla markaana la isugu adeegsaday madaafiic xooggan.
Lama sheegin wax khasaaraha oo dagaalkaas ka soo gaaray dhinacyadii uu u dhaxeeyay, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo xiliga uu habeen ahaa, dadkuna aysan awood u lahayn in ay guryahooda bannaanka uga soo baxaan.
Dhinacyada habeennadii isku weerara magaalada Muqdisho ayaa inta badan khasaaraha soo gaara waxay kala qaataan xili habeennimo ah oo ay dadku weli hurdaan, waxayna taasi meesha ka saartaa in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee ay isu geystaan dhinacyada dagaallamaya.
Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayaa saakay lagu arkayay deegaanadii uu xalay dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo baaritaanno ku sameynayay guryaha ku yaala jihooyinkii laga soo weeraray.
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya iyo weliba Qaraxyo iyo dilal loo geysanyo Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






