Jimco, September 21, 2007(HOL): Waxaa Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud shir ku yeeshay Guddoomiyayaasha dhowr degmo oo hoos-taga Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ka arinsanayay sida laga yeelayo xaaladda ammaan ee Gobolkaas oo muddooyinkan soo xumaaneysay.
Shirka looga hadlayay Ammaanka Gobolka Galgaduud oo ka dhacay Guriga Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyayaasha Degmooyin dhowr ah oo gobolka ku yaala, waxayna ka hadleen sidii loo adkeyn lahaa ammaanka gobolka.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cali Shiikh Maxamed ayaa sheegay in shirkii ay isugu yimaadeen Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka lagu magacaabay guddi ka shaqeeya ammaanka Gobolka, wuxuuna caddeeyay in ay shirka isugu yimaadeen kadib markii uu faraha ka baxay Ammaanka Gobolka, isla markaana ay Dad Safar ah Dil, Dhac iyo Kufsi loogu geystay.
Amni darro ka dhalatay Deegaano dhowr ah oo hoos-taga Gobolka Galgaduud ayaa waxay sababtay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah tagaan Gobolka, gaar ahaan Degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel, inkastoo ay halkaas isaga baxeen kadib markii ay wada hadal yeesheen saraakiishii Ciidamadaas hoggaamineysay iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Degmooyinkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






