11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in uu bilaabay Dagaallo uu kala soo horjeedo Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, September 21, 2007(HOL): Isbaheysiga la magac baxay Dib u xoreynta Soomaaliya ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay in uu bilaabay weerarro uu ku qaadayo fariisimada ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

 

Afaheyeenka Shirkii Asmara Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Isbaheysigooda uu sameynayo wax kasta oo ay Ciidamada Itoobiya uga saarayaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay baahinayaan Kooxaha Iska caabinta ah ee ku sugan Muqdisho, “Dad ayaan mar hore u dirnay gudaha Soomaaliya”ayuuna yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

 

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo todobaadkii hore looga dhawaaqay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu  leeyahay Gole dhexe oo ka kooban 191 xubnood, Guddoomiye Guddi Fulin iyo Guddoomiye Gole dhexe, kuwaasi oo kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Sidoo kalena Isbaheysigan ayaa wuxuu leeyahay Astaan gaar ah oo ah Calanka Soomaaliya oo lagu daray labo Waran oo is-cuskan, Caleemo iyo Kitaabka Qur’aanka oo dusha ka saaran. Bashiir Yuusuf Xirsi oo ka mid ah Isbaheysigaas ayaa sheegay in Warmaha ay u taagan yihiin dagaalka loo gelayo xoreynta Soomaaliya, halka caleemahana uu tilmaamay in ay astaan u yihiin Nabad iyo Barwaaqo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya  ayaa waxaa wada dhisay Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah, Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka iyo weliba xubno ka yimid Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Dibaddiisa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).