11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Idaacadda Shabeelle oo Maalintii Afaraad Hawada ka maqan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, September 21, 2007(HOL): Waxaa maalintii Afaraad Hawada ka maqan Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho oo ah Idaacado FM ah oo ka howlgala Gobolka Banaadir.

 

Sababta ay Idaacadda Hawada uga maqan tahay ayaa waxay tahay iyadoo Maamulka Idaacaddaas uu Idaacadda demiyay kadib markii ay hanjabaad uga timid Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh Isgoyska Aadan Cadde oo aan u dheereyn halka ay Idaacadda ku taalo.

 

Ku simaha Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Jacfar Maxamed Kuukaay ayaa sheegay in maamulka Idaacadda uu go’aansaday in uu shaqada joojiyaan kadib markii ay soo gaartay hanjabaad ah in haddii Idaacadda ay hawada ku soo laabato lagu garaaci doono dhismaha Idaacadda Madaafiic, wuxuuna caddeeyay in intii ay dhibaato soo gaari lahayd shaqaalaha Idaacadda ay door-bideen in ay Idaacada hawada ka baxdo.

 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Dhismaha Idaacadda Shabeelle ay raseeyeen Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan, kadibna intey gudaha u soo galeen ay kaxeysteen dhamaanba shaqaalihii xiligaas shaqeynayay, kuwaasi oo saacado kadib la soo daayay kadib markii lagu waayay dembi lagu eedeeyay oo ahaa in dhismaha Idaacadda laga soo tuuray Bam gacmeed ku qaraxday meel aan u dheereyn fariisinka Ciidamada.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxay gebi ahaanba joojiyeen howlihii ganacsi ee ka socday Wadadaas oo maanta ay u tahay maalintii 15aad oo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka soconin.

 

Ugu dambeyntiina, Hay’adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA iyo Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku cambaareeyeen falkii ay Ciidamada Dowladda kula kaceen Idaacadda Shabeelle, iyadoo ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay Idaacadda Shabeelle dib hawada ugu soo celiso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).