11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Maamul Gobolkeedka Puntland oo sheegay in Somaliland iyo Isbaheysigii Asmara lagu dhisay ay ka dambeeyaan Dagaalkii ka dhacay Sool

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 20, 2007(HOL): Maamul Goboleedka Puntland oo maanta shir jaraa’id ka qabtay dagaal maalintii shalay ahayd duleedka Magaalada Laas-caanood ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaas ay ka dambeeyaan Somaliland iyo  Isbaheysigii dhawaan lagu dhisay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland C/qaadir Geelle Maxamed oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Maamulka Somaliland oo dagaal ku soo qaaday deegaano uu taliyo maamulka Puntland uu xiriir la leeyahay Kooxihii ku shiray Magaalada Asmara, “Dagaalkaas waxaa looga gol leeyahay in qalqal lagu  geliyo ammaanka Puntland iyo Federaalka, waxaana caddeyneynaa in dagaalka ay soo qaaday Somaliland iyo Kooxda Asmara ay isku xiran yihiin”ayu yiir Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland.

 

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo gudbiso, soona hubeyso cid kasta oo dooneysa in ay dhibaato u geysato Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaas ku sii daray in aan la kala saari karin Somaliland iyo Kooxda Asmara, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Wasiir ku xigeenka intii shir jaraa’id ka hadlayay waxaa uu sheegay in aaney Deegaannada Puntland imaan karin cid ka qeybgashay shirkii Asmara, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in shirka halkaas ka dhacay uu ahaa mid looga hadlayay sida uu u yiri dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed.

 

Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland waxaa uu sheegay in  ay dagaalkaas dhinaca Somaliland uga gubeen labo gaari oo kuwa dagaalka ah, sidoo kalena ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ay u geysteen Ciidamadii ka soo horjeeday, halka uu khasaaraha dhinacooda ku sheegay hal Askari oo dhaawac ah.

 

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Somaliland oo ku saabsan dagaalkaas iyo waxa ka jira khasaaraha uu Maamulka Puntland sheegayo in uu u geystay Ciidamada Somaliland.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka dhexmaray Ciidamada labada maamul ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd laga furay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool Xafiis ay leedahay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Sooamaliya, kaasi oo laga qaadan karo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xafladdii lagu furayay xafiiskaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday maamulka Puntland.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).