11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Wafdi ka socda UN-ka oo maanta Muqdisho booqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 20, 2007(HOL): Wafdi ka socda Hay’ado dhowr ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa maanta waxay booqasho ku tageen Caasimadda Xabadda iyo Qaraxyada laga baqo ee Soomaaliya.

 

Wafdigan oo uu horkacayay Isu duwaha Kaalmooyinka Bani’aadannimo ee Soomaaliya Mr. Eric Laroche, uuna ka mid ahaa Dr. Ghanim Alnajjar oo ah Khabiir sare oo UN-ka u qaabilsan dhinca Xuquuqda Aadanaha ayaa wuxuu ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana soo dhaweeyay xubno ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Dr. Saalim Caliyow Ibrow oo ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeennada Soomaaliya.

 

Wafdigan ayaa waxay kulamo la qaateen madaxda sare ee Dowladda Federaalka ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), waxayna isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin Xaaladda Ammaan ee Dalka Soomaaliya, Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya  iyo weliba tacadiyo la sheegay in ay Ciidamada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

 

Hay’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP) ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay Xafiiskeeda Nairobi waxay ku sheegay in socdaal uu Dr. Ghanim Alnajjar ku tegi doono Soomaaliya uu ku saabsan yahay sidii uu xog uga soo heli lahaa xaaladda Xuquuqda Haweenka, Xaqa Xoriyadda Hadalka iyo Ra’yiga iyo Xaaladaha Maxaabiista, isagoo weliba la kulmi doona Madaxda Dowladda Federaalka iyo weliba xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Garsoorka Dowladda Federaalka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Ururrada Caalamiga ah ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo Gobollo kala duwan oo Soomaaliya ku yaala.

 

Wafdi uu hoggaaminayay Dr. Ghanim Alnajjar ayaa dorraad waxaa dib looga celiyay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo sababtii dib loogu celiyayna aan ilaa iyo haatan faah faahin rasmi ah laga bixin, marka laga reebo in uu Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo xiligaas ku sime u ahaa madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo dalka ka maqnaa uu sheegay in uusan la socon waxa keenay in wafdigaas dib loo celiyo.

 

SI kastaba arrtintu ha ahaatee Dr. Ghanim Alnajjar ayaa wuxuu horay Soomaaliya u booqaday dhowr jeer, wuxuuna inta jeer ee uu Soomaaliya yimid uu u kuurgeliyay Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, wuxuuna socdaalkiisan ugu dambeeyay uu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Human Rights Watch ay soo saartay Warbixin ay ku sheegeyso in Ciidamada Dowladda Federaalka, Kuwa Itoobiya iyo Kooxaha Wax iska caabinta ah ee ka soo horjeeda ay Soomaaliya ka geysteen Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).