11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay’adaha Samafalka oo ka wada hadlay wax ka qabashada Fatahaadda Webiga Shabeelle

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 20, 2007(HOL): Maamulka heer Gobal iyo Degmo ee gobalka Hiiraan iyo hay’adaha Samafalka ee ka howl-gala gudaha gobalka ayaa kulan wada jir ah oo dhax maray waxaa ay kaga wada hadleen arimo la xiriira ka hortaga Fatahaaad uu sameeyo Wabiga Shabeele, iyo sidii wax looga qaban lahaa Masiibooyinka dabiiciga ah sida Abaarta oo kale.

 

Hay’adaha UNDP, S.C.UK, D.R.C, I.M.C, iyo Waliba ICRC oo kulanka ka qeyb-galay ayaa gudoomiyaha gobalka Hiiraan hadal kooban oo uu u jeediyay waxaa ku sheegay in kulankoodu yahay mid xabaarsan muhiimad gaar ah, waxaana uu intaa ku daray in inta badan dadka Soomaalidu yihiin kuwo u deg dega wax qabashada dhintaadu marka ay timaado, lakiin aan ka sii fakarin marka hore sidii wax looga qaban lahaa, waxaana uu intaa ku daray in maamulkiisu xooga saari doono sidii looga hortagi lahaa wax yaabaha sahlaya in dhibtaayooyinkaasi dhacaan.

 

Guddoomiyuhu waxaa kaloo uu farta ku fiiqay arinta fatahaada oo sida uu sheegay ah arin dhibaato ba’an ku heysa bulshada ku dhaqan guud ahaan gobalka Hiiraan, isaga oo intaa raaciyay in siwada jir ah maamulka iyo hay’aduhu isaga kaashadaan sidii looga hortagi lahaa, waxaana uu dhanka kale ku dhaliilay qaar badan oo ka mid ah hay’adaha samafalku in howlahooda ay ku dhameystaan kor meer iyo safaro aan wax micno ah ku fadhiyin, taasoo ay ayuu yiri mid ka baxsan howlaha loo soo xilsaaray.

 

“Maamulku mar walba diyaar ayuu u yahay sidii howlahaa uu gacan wax ku ool ah ugu geysan lahaa mid dhaqaale iyo amaan intaba lakiin waxaa laga doonayaa hay’adaha in marka hore ay ka soo dhalaalaan howlaha horyaala ayuu yiri yuusuf Dabageed oo siweyn ugu faraxsanaa kulanka dhaxmaray isaga iyo hay’adaha samafalka.

 

C/llaahi Qaloocow ooah Mas’uulka dhinaca hay’ada UNDP ugu qeyb-galay kulanka ayaa sheegay in wax lagu faraxo tahay ka hadalka wax ka qabashada dhibaato inta aysan dhicin ka hor, isaga oo dhinaca maamulkana uga mahad-celiyay hindisa arintaa ku saabsan, waxaana uu dhanka kale farta ku fiiqay in UNDP-du mar walba diyaar la tahay in arintaa gacan-weyn ka siiso hay’adaha kale si markaa wada jir loogu wada guuleysto yoolka loo dan-leeyahay ee ah in dhibaatada laga hortago.

 

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay DR, Bashiir Sabriye Xalene oo Maamulka Gobalku u magacaabay Xafiis cusub oo ah ka hortaga Masiibooyinka Dabiiciga, waxaa uu sheegay in xafiiskiisu ku dadaali doono sidii loo heli lahaa xog-dhab ah oo ku qotonta hadba halka arimuhu marayaan si markaa hay’aduhu u qabsadaan howlahooda caadi ah.

 

Marka la eego Fatahaada wabiga shabeele oo ah arin dhibaato weyn ay ku qabaan inta badan bulshada ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa la oran karaa waa markii ugu horeysay oo sidan oo kale kulan looga hadlayo si wada jir ah u dhaxmaro maamulka Gobalka iyo hay’adaha safalka, waxaan hubaal ah hadii lagu guuleysto xerida kaliyada soo gala gudaha maagaalada in qasaaruhu yaran lahaa, waxaana xusid mudan in hada meelaha qaar marka la eego gudaha Magaalada Beleweyn Wabigu ka fatahay

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).