11.7 C
London
Wednesday, October 29, 2025

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dhaawacay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, September 20, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalda Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka tegay Magaalada Baydhabo lagu dhaawacay deegaan u dhow Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.

 

Xildhibaannada la dhaawacay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Deer iyo Ibraahim Ceymoy Jareere, waxaana dhaawacay sida la sheegay Kooxo Burcad ah oo wadada u galay.

 

Dhaawaca Xildhibaannada oo ah mid aan darneyn ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Degmada Garbahaarey oo ay gaareen xalay saqdii dhexe, waxaana la sheegayaa in ay Xildhibaannada dhaawacyo ka qabaan Gacmaha iyo Lugaha.

 

Xildhibaannadan ayaa la sheegay in ay u socdeen in ay Magaalada Garbahaarey uga qeybgalaan shir ay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Gedo halkaas ku leeyihiin, kaasi oo looga arinsanayo sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka Gedo.

 

Ugu dambeyntiina, muddooyinkan dambe ayaa deegaanada u dhaxeeya Gobollada Bay iyo Gedo waxaa laga soo sheegayaa Kooxo Burcad oo Dadka Rakaabka ah dil iyo dhac u geysta, waxaana dhawaan halkaas lagu dilay Wariye u shaqeynayay Idaacadda Banaadir oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Kaskey, kaasi oo gaari uu saarnaa lagu rasaaseeyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).