Khamiis, September 20, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay duleedka magaaladaas ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamullada
Dagaalka labada Ciidan dhexmaray oo qarxay shalay gelinkii dambe ayaa wuxuu iskiis u istaagay markii gabalka dumay, iyadoo dagaalkaasna la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, mana jirto cid labada dhinac ee dagaalamaya ka madax bannaan oo xaqiijineysa khasaaaha ay dhinacyada dirirta u dhaxeyso isu geysteen.
Ciidamo kala taabacsan labada maamul ee
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay waxay ku loolamayeen gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag oo dadka degani ay door-bidayaan in ay ka madax banaanaadaan labada maamul ee ciidamadooda ay ku dul hardamayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka dhexmaray Ciidamada labada maamul ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd laga furay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool Xafiis ay leedahay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Sooamaliya, kaasi oo laga qaadan karo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xafladdii lagu furayay xafiiskaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday maamulka Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






