Khamiis, September 20, 2007(HOL): Mas�uul ka tirsanaa Maamulka Degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdulle Jiis ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa toogasho ku dilay kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.
Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamuud Dhabaney ayaa xaqiijiyay dilka mas�uulkaas oo uu sheegay in uu ahaa Xoghayaha guud ee Degmada Hodan, wuxuuna Guddoomiyaha caddeeyay in ay dilka mas�uulka ay ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay kooxihii dili jiray dadka Wadaniyiinta ah.
�Alle ayaa og wixii loo dilay, balse waxaan ognahay in aysan jirin cid uu wax ka bi�iyay, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxihii dili jiray dadka ka soo baxa masjidyada�ayuu yiri Cabdi Maxamuud Dhabaney.
Habeen hore ayay ahayd markii uu isku day lagu dili lahaa ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabdulle Cali, kaasi oo wadada dhinaceeda loo geliyay Miino nooca la hago ah.
Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa loogu dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Howl-Wadaag iyo Shibis, halka ay jiraan Guddoomiyayaal Degmo oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa, waxaana la sheegaa in ay dilalkaas ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






