13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u bilaabanayaan Duulimaadyadii aadi jiray Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 02, 2007(HOL):  Wareegto ka soo baxday Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay in la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay Sirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sababay in Waaxda Socdaalka ay ku dhawaaqdo in la joojiyay Duulimaadyadii u kala gooshi jiray Somalia iyo Somaliland.

 

Wareegtada ka soo baxday Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa la sheegay in shirkada Diyaaradaha iyo Waaxda Socdaalka ay ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhexgalay, kaasi oo ka dhashay in ay shirkadaha dadka siiyaan Warqado Go Home ah oo aan sharci ahayn iyo iyadoo Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay aqoonsan weysay Somaliland.

 

Khilaafkaas ayaa sare u sii kacay kadib markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ciddii lagu helo iyadoo ku safreysa Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu muteysan doono Xabsi dhan 8 Sanadood, iyadoo taasina ay si weyn uga carootay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Baasaboorkii hore ee Soomaaliya ayaa haatan lagu galaa, loogana soo baxaa Somaliland, iyadoo weliba ay isticmaalaan Dadka Reer Somaliland, waxayse haatan su’aali ka taagan tahay sida uu Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu uga dhaqangelayo Somaliland, bacdamaa ay shaacisay in qofkii lagu helo isagoo sita uu muteysanayo xabsi 8 sanadood ah.

 

Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya waxaa ay u qabatay ilaa 30-ka Bishan September, iyadoo kadibna uu si rasmi ah u shaqeyn doono Baasaboorka cusub ee Soomaaliya oo ah mid casri ah oo aan la been abuuri karin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).