13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo sheegay in ay dib u bilaaban doonaan Duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 02, 2007(HOL): Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa maanta loo dhaariyay xilka Safiirnimo ee loo magacaabay kadib markii uu in muddo ah shaqeynayay iyadoo aan la dhaarin.

 

Xaflad lagu dhaarinayay safiirka oo lagu qabtay xarunta Villa Somalia ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Wasiirak Arrimaha Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), waxayna safiirka kula dardaarmeen in uu xilkiisa uga soo dhalaalo sida uu ugu dhaartay.

 

Safiirka oo dhaarintiisa kadib shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Kenya ay dib u soo celineyso duulimaadyadii u dhaxeyn jiray Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sidoo kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Kenya ay xuduudka ka xiratay Dad badan oo ka cararay Dhibaatooyinka ka taagan Koofurta Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay  Safiirka in marka uu ku laabto Kenya uu madaxweynaha Kenya kala hadli doono sidii dib loogu sii amba qaadi lahaa duulimaadyadii u dhaxeeyay labada Dal, isagoo caddeeyay in uu ku dadaali doono sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa helitaanka Fiisooyinka lagu galo Dalka Soomaaliya.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameerika ayaa muddo dheer ku soo shaqeynayay xilka maanta loo dhaariyay, iyadoo Safiirnimadiisana uu mar ka soo hor-jeestay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ismaaciil Buubaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).