14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo markii ugu horeysya lacag abaal-marin ah u qeybiyay Ciidamadiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, September 02, 2007(HOL): Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay Ciidamo gaaraya ilaa 200 u qeybiyay lacag aan mushaar ahayn laakiin lagu tilmaamay  abaal-marin ay muteysteen Ciidamada la siiyay sida uu sheegay guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

 

Ciidamada oo ahaa kuwo aad ugu faraxsan abaal-marinta ay heleen ayaa  hadal kooban oo uu ka horjeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed waxaa uu sheegay in ay wax lagu farxo tahay sida Ciidamadu uga shaqeeyeen mudadii koobneyd ee uu maamulkiisu jiray amaanka guud ee goboka, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyuhu hadda ah mid xaaladdeeda nabad-galyo la isku haleyn karo.

 

Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu Ciidamada u ballan-qaaday in laga bilaabo bishan aynu ku jirno loo bilaabi doono mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, taasoo ay si weyn Ciidamada u soo dhaweeyeen, waxaana uu intaas sii raaciyay in maamulka gobolku uusan u dulqaadan doonin in si qaldan loo isticmaalo lagcagaha ka soo xarooda cashuurta laga qaado dadweynaha.

 

Maamulka Yuusuf dabageed ayaa tan iyo markii la soo magacaabay waxaa uu waday howlo lagu dardargalinayo habsami u socodka howlaha maamulka gaar ahaan nabad-galyada oo ah tan ugu muhiimsan ee sida weyn isha loogu hayo, waxaana lacagtan loo qeybiyay Ciidamada noqoneysaa tii ugu horeysay oo ay heleen wixii ka horeeyay maamulka hadda jira.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).