Arbaco, September 19, 2007(HOL): Labo Ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, tiro kale oo dad ahna dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib dagaal xoogan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Labada Ruux ee dagaalka ku geeriyootay ayaa la sheegay in ay rasaas ugu tagtay guryahooda oo ku yaala Tookiyada Degmada Howl-Wadaag, iyadoo rasaasta ku dhacdayna lagu sheegay tan laga rido Qoriga RPG ee ay Soomaalida u taqaano Baasuukaha.
Dagaalkii xalay dhexmaray labada dhinac ayaa wuxuu ahaa kii ugu xoogganaa ee labada dhinac dhexmara tan iyo intii ay weerarrada ku bilowdeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Saakay ayaa la arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano ka wada Xaafadaha u dhow Wadada Aadan Cadde, iyadoo ay jireen dad dhowr ah oo ay Ciidamada u qabteen tuhun la xiriira in ay ku lug lahaayeen dagaalkii xalay aaggaas ka dhacay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhacay weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo weerarradaasina ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






