Arbaco, September 19, 2007(HOL): Waxaa saakay Dalka dib ugu soo laabtay madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan booqasho ku joogay Dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wafdiga saakay dalka ku soo laabtay ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana xubno ka ahaa Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Shirkii Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ergooyinkii ka qeybgalay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Sacuudiga u raacay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Sacuudiga waxaa ay kulamo la qaateen Madaxda Dalka Sacuudiga oo uu horkacayay Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis, iyagoo sidoo kalena Magaalada Jidda ku saxiixay Heshiiyadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Sacuudiga waxaa uu codsaday in Soomaaliya loo diro Ciidamo Carab iyo Afrikaan ah, kuwaasi oo bedela Ciidamada Shisheeye ee haatan ku sugan Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay Ciidamadaas hoggaankooda lahaan doonto Qaramada Midoobay.
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlayay ujeedada ay Sacuudiga u tageen ayaa sheegay in mar uu booqasho ku joogay Dalka Sacuudiga uu Boqor Cabdallaha Sacuudiga ka codsaday in marka uu soo dhamaado shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeybgelaya Sacuudiga loo geeyo, si ay u caddeeyaan heshiisyada ay gaareen, isla markaana la geeyo Xaramka, si ay isu cafiyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






