6.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gargaar u codsatay Dad ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 18, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay codsi u jeediyay Deeq bixiyayaasha Caalamka oo ay ka codsatay in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaateysan oo xalaado bani’aadannimo ah ay ku heyso gudaha Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in Dadka gurmadka u baahan ay waxyeello ka soo gaartay Faraahado, Abaaro, Colaado iyo Cudurro ka dilaacay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadkaas haddii aan gurmad deg deg ah lala gaarin ay noloshooda halis ku jirto.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in Gargaarka Dadkaas uga yimaada dhinaca Beesha Caalamka uu yar yahay , sidaas darteedna ay codsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya in gargaarkaas la kordhiyo, lana de-dejiyo.

 

Dadka gurmadka u baahan ayaa waxay ku sugan yihiin Gobollada Bay, Bakool, Gedo, Jubbooyinka, Shabeelooyinka  iyo weliba Gobolka Banaadir oo meelo ka mid ah  ay ku sugan yihiin Dad ka barakacay gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladdiisa aysan awood u lahayn in ay maareyso dhibaatooyinka dhinaca Bani’aadannimada ah ee ka jira Soomaaliya, sidaas darteedna wuxuu mar kale ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baaqa ay maanta sii deysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan Cuntada, Caafimaadka iyo Qaxootiga ay sheegayaan in Dad tiro badan oo Soomaali ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, inkastoo Hay’adaha gurmadka la warsanayo ay sheegayaan in ay u baahan yihiin Damaanad-qaad Dhinaca Ammaanka ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).