6.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Albaabada u laabay Xarunta Shirkadda Global Internet ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 18, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay albaabada u laabeen Xarunta Shirkadda Global Internet ee Magaalada Muqdisho, iyagoo jir-dil u geystay mid ka mid ah shaqaalihii Shirkaddaas.

 

Mas’uul ka tirsan Shirkadda Global Internet ayaa sheegay in xili ay wateen howl maalmeedkooda caadiga ah ay gudaha xarunta shirkadda xoog ku soo galeen Seddex Askari oo ka mid ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo amar ku siiyay in ay Qalabka Shirkadda demiyaan, isla markaana ay isaga baxaan.

 

Mas’uulkan waxaa uu sheegay in intii ay Ciidamada ku jireen Xarunta Shirkadda Global ay jir-dil u geysteen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda, kaasi oo isagoo Taleefoon kula hadlayay Qof Macaamiil ah ay Ciidamada u qaateen in uu cid kale la hadlayo.

 

“Hadda waan deminay Shirkadda, mana ogin goor aan dib u bilaabi doonno shaqadii aan bulshada u heynay”ayuu yiri Mas’uulkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

 

Shirkadda Internetka Global ayaa ah Shirkad Adeeggeeda Internet-ka gaarsiisay inta badan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo ay ku xiran yihiin macaamiil badan oo qaarkood ay Internetka ku siiso guryahooda iyo xafiisyadooda shaqada, waxayna shaqo joojinta lagu sameeyay caqabad ku noqoneysaa dhamaan macaamiishaas.

 

Warar kalena ayaa waxay sheegayaan in Daarta Global oo ay wada degan yihiin Shirkadaha Xawaaladda Qaran, Radio Shabelle iyo Global Internet uu gudaheeda ku dhaawacmay mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Xawaaladda Qaran, kaasi  oo ay haleeshay rasaastii ay fureen Ciidamada Dowladda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay mid bandow ah ka dhigeen Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha oo isku xirta Isgoysyada Aadan Cadde iyo Carwo Idko, waxaana wadadaas gaaf wareegaya Ciidamo tiro badan oo afarta jiho rasaas u ridaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).