6.5 C
London
Thursday, October 30, 2025

Wariye Maxamed Xuseen Jantiile oo xoriyaddiisii dib u helay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, September 18, 2007(HOL): Waxaa xoriyaddiisii dib u helay Wariye Maxamed Xuseen Jimcaale Jantiile oo u shaqeeya Websiteka Puntlandpost kadib markii uu muddo shan maalmood ah u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wariye Jantiile oo markii la soo daayay kadib u waramay HOL ayaa sheegay in intii uu xirnaa aan wax dhibaato ah loo geysan, isagoo sheegay in sababta loo xiray ay ahayd iyadoo uu ka mid ahaa dad ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabteen gudaha Suuqa Bakaaraha.

 

“Ninkii hoggaaminayay Ciidamadii xoriyadda naga qaaday wuxuu igu yiri markii aan ka soo baxayay Xabsiga raali noqo waan kugu qaldamay”ayuu yiir Wariye Jantiile oo sheegay in aaney jirin wax dhibaato ah oo loo geystay marka laga reebo in laga qaaday xoriyaddii aas-aasiga ahayd ee uu lahaa.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka ay howlgallada sameynayaan waxay xabsiga u taxaabaan cid kasta oo ay ka qabtaan meelaha ay ka howlgelayaan iyagoo aan u kala saarin kuwo fal dembiyeed lagu soo qabtay iyo kuwo aan waxba galabsan.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo haatan ah mid fowdo ah oo aan amaan ahayn ayaa wariyayaasha ka howlgala waxaa loo geystaa dhibaatooyin isugu jira dil, dhaawac, jir-dil iyo handadaad, iyadoo dhamaan falalkaas arxanka daran ee lagula kacayana ay yihiin kuwo lid ku ah Xuquuqda Aadanaha, Baaqa Caalamiga ah ee la isla aqoonsan yahay iyo Dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah.

 

Ugu dambeyntiina, Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Saxaafadda u dooda ayaa waxay ka dalbanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay xakameyso Ciidamadeeda, isla markaana ay damaanad qaaddo xoriyadda Saxaafadda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).