Talaado, September 18, 2007(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Dib u soo nooleynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo la hadlayay Idaacadda BBCda Laanteeda Afka Carabiga ayaa wuxuu sheegay in aan Magaalada Muqdisho lagu qaban Shir Dib u heshiisiin Soomaaliya, balse waxa lagu qabtay uu ahaa Shir sida uu yiri Soomaalida lagu kala qeybinayay.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in aanu shirkaas iyo weliba heshiiska ay madaxda Dowladda Federaalka ku saxiixeen Dalka Sacuudiga uusan ahayn mid xal u keenaya Dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu yahay mid gumeysi ku jira.
Mar uu ka hadlayay doorka xal raadineed ee ay waddo Dowladda Sacuudiga ayaa wuxuu sheegay in ay Sacuudiga ka filayeen in uu dhinac istaago Walaalahiisa Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Sacuudiga uu u muuqdo inuu meel marinayo wax uu ugu yeeray Shirkii guuldareystay, si loo burburiyo midnimada Soomaaliya.
“Ma jirin Shir Dib u heshiisiineed ee waxaa jiray Shir Soomaalida lagu kala qeybinayay”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku daray in aaney Soomaaliya ka jirin Dowlad sharci ah.
Mohammad Al Zofa oo ka mid ah Golaha Shuurada Sacuudiga ayaa ka hadlay sababtii ay Kooxaha mucaaradsan Dowladda Federaalka Soomaaliya casuumaad ugu fidin waayeen si ay qeyb uga noqdaan xalinta mushkiladda Soomaaliya wuxuuna sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay ka mid yihiin Dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dhinaca ay ku casuumeen Sacuudiga uu heysto Aqlabiyadda Dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu raadinayo xalka mushkiladda Soomaaliya.
Mohammad Al Zofa waxa uu sheegay in Kooxaha mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaana Maxkamadihii Islaamka aysan lahayn aragti xal lagu raadinayo, gaar ahaana meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan ee ku yaala dalalka Carabta iyo Muslimka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Sacuudiga ayaa waxay dalkeeda ku casuuntay Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Ergooyinkii ka qeybgalay shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay, kuwaasi oo Sacuudiga loo geeyay inay Xaramka isku soo cafiyaan, isla markaana ay Dadka Soomaaliyeed ugu duceeyaan in uu Allaah ka dul qaado dhibaatada heysata.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






